Siddeed
saacadood oo laba habeen oo isku xiga ka mid ahaa baan akhriyey buugga Amiina
Al Mufti ee uu qoray Fariid Falluuja, Afsoomaalina uu u rogay Kamaal A. Cali. Waa
sheeko xiiso iyo amakaag wadata. Waa basaasadda carbeed ee Amiina Al Mufti ee u
adeegaysay Mossad. Waa sheekada xidhiidhsan Urudun, Usteri, Israel, Lubnaan iyo
Qubrus. Waa sheeko u eg masrixiyad ama filin la jilay oo malo-awaal ah.
Apr 10, 2018
Aug 17, 2017
Dalka iyo dadka qaarkii
Safar dheer oo deegaannada bariga Somaliland aan ku tegay ka dib, wax weyn baa iiga soo baxay. Burco
marka aad ka rogto Ceegaag, Widhwidh ilaa Buuhoodle iyo xadka iyo jiiddaas dhinac dheh;
Caynabo iyo Oog hoos (Woqooyi) uga rog Barqomaal, Bankii Saraareed ilaa Huluul iyana
dhinac dheh; dhulkaas baaxad ku siman 300 KM isku wareeg ah baan soo maray. Wax
qofkii doonaa caadi u qaadan karo, ku kalena dhibi karta ayaan soo arkay.
Jun 13, 2017
Hoggaamintii Nebi Maxamed (NNKA) - Qaybta 3aad
Hoggaamiye: Dhalasho mise barasho
Arrinta xiisaha leh ee
mawduuca hoggaaminta kolka laga warramayo laga doodo ayaa ah hoggaamintu ma u
dhalashaa mise waa barasho? Waa dood baaxad leh oo aragtiyo kala geddisan laga
qabo, dad ku dooda in hoggaamintu dhalasho tahay aqoontuna kabto, iyo kuwo kale
oo ku tagsan in hoggaaminta la barto oo la dabbiqi karo. Koox saddexaad oo kale
ayaa rumaysan in hoggaamintu labadaba geli karto.
Jun 4, 2017
Hoggaamintii Nebi Maxamed (NNKA)- Qaybta 2aad
Aragtiyaha iyo Jaadadka Hoggaaminta
Saddex baa madaxnimo
(hoggaamin) kaa qaada, 1. Gar eexo, 2. Guddoon jilicsan iyo 3. Gacan gudhan –
Maahmaah Soomaaliyeed.
Inta aynaan faaqidin hoggaamintii nebi Maxamed NNKA, waa lagama maarmaan in aynu gogol xaadh uga dhigno aqoonta guud ee hoggaaminta iyo aragtiyaha ku xeeran. Qaybtan waxa aynu dul istaageynaa hoggaamiyaha iyo qeexitaannadiisa, hoggaamintu ma dhalashaa mise waa barasho iyo aragtiyaha hoggaaminta iyo hoggaamiyaha ee marxalado door ah.
May 31, 2017
Hoggaamintii Nebi Maxamed (NNKA) - Qaybta 1aad.
Hordhac
Macallin, dhakhtar, madax, arday, shaqaale iyo waalid dhammaanteen masuuliyad baa inna saaran. Masuuliyad walba oo qof kasta saaran waxa ay u baahantahay in aqoon hoggaamineed, haba yaraatee lagu guto, taas awgeed baynu dhammaan baahi u qabnaa barashadeeda.
Dadka Muslimiinta ah iyo kuwo aan ahayn, Carabi, Ingiriisi iyo afaf kale oo tiro badan ba waxa ay ku qoreen sooyaalkii hoggaamineed ee nebi Maxamed (NNKA).
Macallin, dhakhtar, madax, arday, shaqaale iyo waalid dhammaanteen masuuliyad baa inna saaran. Masuuliyad walba oo qof kasta saaran waxa ay u baahantahay in aqoon hoggaamineed, haba yaraatee lagu guto, taas awgeed baynu dhammaan baahi u qabnaa barashadeeda.
Dadka Muslimiinta ah iyo kuwo aan ahayn, Carabi, Ingiriisi iyo afaf kale oo tiro badan ba waxa ay ku qoreen sooyaalkii hoggaamineed ee nebi Maxamed (NNKA).
Sep 27, 2016
Maamul daadejinta iyo dawladaha hoose
Hordhac
Si
kooban maamul daadejintu waa awood siinta maamul ee dawladda dhexe u daadejiso dawladaha hoose
ee degmooyinka. Si kale waa igmashada maamullada degmooyinka ee u dhow bulshada
si dawladda dhexe uga jawaabto baahiyaha bulshada ee rasmiga ah.
Sida
dalalka horumaray, adeegyada aasaasiga ah ee muwaadinka sida, biyo, waxbarasho,
caafimaad iwm. ah ee dawladdu u qabato shacabkeeda, dawladaha hoose ee
degmooyinka iyo xaafadaha ayaa fuliya oo maamula. Waayo, dawladaha hoose iyaga
ayaa dawladda dhexe uga dhow bulshadana ugana dhuun dalool shacabka.
Maamuldaadejintu waa qaab hoos ka bilow ah oo dadku ay ku dhisi karaan
dawladnimo iyaga u adeegta oo baahiyahooda asaasiga ah daboosha.
Apr 18, 2016
"Ha tahriibin" Xal ma aha
Boqollaal dhallinyar ah bay baddu
liqday shalay! Waa masiibo wayn, wayn oo aad u wayn. Intaas oo dhallinyaro ah
iyo kumannaankii ka horreeyay, gaajo ma ay saarin, shaqo la'aani may eryan, ee
rejo la'aan baa dabada ka kaxaysay. Rejo la'aan bay halaaggaa ugu badheedheen.
Subscribe to:
Posts (Atom)