Pages

May 4, 2015

Hooyada

Mar wal oo hooyo iyo abaalkeed la soo qaado sheeko aanan illaabin baa jirta. Xanuunkeeda awgeed, ma illaawo sheekadaas.
Timajare ayaan fadhiyey oo timaha ka jaranayey. Wiil aan da'diisa ku qiyaasay 16-18 jir baa kursiga igu xiga soo fadhiistay. Hooyadii baa la socota oo qof yara culus ah. Inankii ka xiirayey bay ku tidhi hooyo isugu wada sin timaha.

Jan 25, 2015

Ma Sagal?

1

“Naa kaalay qumayo yahay kildhiga ii biyee” bay si naxariis daran ugu yeedhay. Sagal yeedhmada Cosob ma ay dhibsan; wax caadi ah bay la noqotay. Lixda sanno ee ay la noolayd Cosob ayaa noqon kara kuwii ugu xumaa nolosheeda. Lixda kale, mar ay garaad la’ayd iyo mar ay sidan noloshu dhaantay bay ahayd.

Oct 16, 2014

'Ma nihin'

Iid Saleebaan baannu marti u ahayn. Iid waa Akhyaar nagu qaali ah. Xafladdii meherkiisa yaannu joognay. Guutaale Jaamac Kediye ayaa garabkayga fadhiyay.
Guutaale muddo badan baannu asxaab ahayn. Dhaqankiisa badi xog-ogaal baan u ahay. Waa nin aan uurkiisa wax ku qarsan Karin. Maalinta uu ku diido, wuu ku diiday oo lama gabbado. Waa codkar gar wixii uu arko ku yeedha. Afar wiil baa ka waaweyn oo, midina la dhaqan ma aha. Guutaale dad badan baa runta ku collaystay. Hadda jaallihiisa ugu muddada dheer baan ahay goor annu kala didi ba.

Sep 18, 2014

"Xabbad sigaar ah"


‘Xabbad Sigaar ah’ kolka la arko ba, xabbad sigaar ah baa la arki jiray. Aagga oo dhan ‘Xabbad Sigaar ah’ waa laga yaqaanay. Barigii dambe, ku dhawaaqisku markay adkaatay, waxa lagu soo koobi jiray “Xabbadda”.

Sep 9, 2014

Diin ma aha wadaadku

Wadaad; waa eray soomaali ah waana mansab cid aqoon diineed loo tirinayo la saaro. Waxa la sheegaa in eraygu uu ka samaysanyahay laba eray oo isu tagay - wad iyo Aad. Barigii hore qofku marka uu aad xanuusado ee wadkii in uu ku soo dhowyahay la maleeyo ayaa loo dooni jiray qof diinta yaqaan. Qofkaas baa Quraan iyo Alle bari la dul fadhiisan jiray. Qofkaas aqoonta diinta loo tirinayo baa la yidhi Wadaad, kii xagga wadka aadi jiray.

Aug 12, 2014

Isboqor

 Jaadadka kala geddisan ee aqoonta dunida maanta taal, mid wal oo ka mid ah bulshooyinku derajooyin kala sarreeya bay u samaysteen.  Heerarkaas ay aqoontu u kala sarrayso ama u kala hoosayso si la mid ah bay dadkuna ugu kala sarreeyaan ama ugu kala hooseeyaan.

Jul 17, 2014

Geed Nool

Kor buu u eegayaa geedka wayn ee sogsogta ah. Beerta reer Dhabbohaye, geed sidan u wayn lagama soo heli karo. Geedkani sooyaal badan buu ku leeyahay reer Dhabbohaye. Geeddiga geedka hoos jooga ee fiirinaya, laba hablood oo ay walaalo yihiin baa lagu bixiyey. Waa geedkii isga iyo aabbihii ba loogu gaaf tumay. Sogsogtan gabowday baa arrimo adag oo xaafaddu soo martay lagaga arrinsaday.