Pages

May 9, 2015

Kuma ayuu ahaa MalcomX?

“Haddii aanad u dhimanayn daraaddeed, erayga “xornimo” ka saar qaamuuskaaga” iyo “haddii waxba aanad u noolayn, wax wali ba waa ay ku ridi karaan”. Baa ka mid ahaa halhaysyadii kartida iyo dhiirrigelinta lahaa ee Xaajiga.

Midabkiisii madoobaa, sankiisii ballaadhnaa iyo timihiisii aan jilicsanayn awgood, Malcom iyo ciddii la sooc ahayd ba gunnimo badan bay kala kulmeen intii aan la midka ahayn. Koox lagu magacaabi jiray “Ku Klux Klan” baa ahayd koox culayska ugu badan ay guud ahaan dadka madowga ah, gaar ahaan Malcom reerkoodu kala kulmi jireen. Ku Klux Klan waxa ay ahayd koox qarsoodi ah oo laga aas aasay koonfurta Maraykan 1866kii, taas oo u dhisnayd tirtirka iyo la dagaalanka ololihii Jamhuuriga ee xuquuqsimidda madowga iyo caddaanka. Klan waxa ay ahaayeen koox aad uga soo horjeedda in qof madoobi la xuquuq noqdo mid caddaan ah.

May 4, 2015

Hooyada

Mar wal oo hooyo iyo abaalkeed la soo qaado sheeko aanan illaabin baa jirta. Xanuunkeeda awgeed, ma illaawo sheekadaas.
Timajare ayaan fadhiyey oo timaha ka jaranayey. Wiil aan da'diisa ku qiyaasay 16-18 jir baa kursiga igu xiga soo fadhiistay. Hooyadii baa la socota oo qof yara culus ah. Inankii ka xiirayey bay ku tidhi hooyo isugu wada sin timaha.

Jan 25, 2015

Ma Sagal?

1

“Naa kaalay qumayo yahay kildhiga ii biyee” bay si naxariis daran ugu yeedhay. Sagal yeedhmada Cosob ma ay dhibsan; wax caadi ah bay la noqotay. Lixda sanno ee ay la noolayd Cosob ayaa noqon kara kuwii ugu xumaa nolosheeda. Lixda kale, mar ay garaad la’ayd iyo mar ay sidan noloshu dhaantay bay ahayd.

Oct 16, 2014

'Ma nihin'

Iid Saleebaan baannu marti u ahayn. Iid waa Akhyaar nagu qaali ah. Xafladdii meherkiisa yaannu joognay. Guutaale Jaamac Kediye ayaa garabkayga fadhiyay.
Guutaale muddo badan baannu asxaab ahayn. Dhaqankiisa badi xog-ogaal baan u ahay. Waa nin aan uurkiisa wax ku qarsan Karin. Maalinta uu ku diido, wuu ku diiday oo lama gabbado. Waa codkar gar wixii uu arko ku yeedha. Afar wiil baa ka waaweyn oo, midina la dhaqan ma aha. Guutaale dad badan baa runta ku collaystay. Hadda jaallihiisa ugu muddada dheer baan ahay goor annu kala didi ba.

Sep 18, 2014

"Xabbad sigaar ah"


‘Xabbad Sigaar ah’ kolka la arko ba, xabbad sigaar ah baa la arki jiray. Aagga oo dhan ‘Xabbad Sigaar ah’ waa laga yaqaanay. Barigii dambe, ku dhawaaqisku markay adkaatay, waxa lagu soo koobi jiray “Xabbadda”.

Sep 9, 2014

Diin ma aha wadaadku

Wadaad; waa eray soomaali ah waana mansab cid aqoon diineed loo tirinayo la saaro. Waxa la sheegaa in eraygu uu ka samaysanyahay laba eray oo isu tagay - wad iyo Aad. Barigii hore qofku marka uu aad xanuusado ee wadkii in uu ku soo dhowyahay la maleeyo ayaa loo dooni jiray qof diinta yaqaan. Qofkaas baa Quraan iyo Alle bari la dul fadhiisan jiray. Qofkaas aqoonta diinta loo tirinayo baa la yidhi Wadaad, kii xagga wadka aadi jiray.

Aug 12, 2014

Isboqor

 Jaadadka kala geddisan ee aqoonta dunida maanta taal, mid wal oo ka mid ah bulshooyinku derajooyin kala sarreeya bay u samaysteen.  Heerarkaas ay aqoontu u kala sarrayso ama u kala hoosayso si la mid ah bay dadkuna ugu kala sarreeyaan ama ugu kala hooseeyaan.