Wali aas ma tagtay? Xabaasha inta qof dul joogtaa waa ay ka talisaa sida loo qodayo ama looga shaqaynayo. 'Halkaa ha ku dhufan jignaha', 'ciidda xaggan u soo tuur', 'sidaas ha odhane, iska eeg' iyo 'waar ciidda horta isa soo dhaafiya' ayaa toban qof oo kala gaar ahi ku yeedhayaan.
May 25, 2015
May 9, 2015
Kuma ayuu ahaa MalcomX?
“Haddii
aanad u dhimanayn daraaddeed, erayga “xornimo” ka saar qaamuuskaaga” iyo “haddii waxba aanad u
noolayn, wax wali ba waa ay ku ridi karaan”. Baa ka mid ahaa halhaysyadii
kartida iyo dhiirrigelinta lahaa ee Xaajiga.
Midabkiisii
madoobaa, sankiisii ballaadhnaa iyo timihiisii aan jilicsanayn awgood, Malcom
iyo ciddii la sooc ahayd ba gunnimo badan bay kala kulmeen intii aan la midka
ahayn. Koox lagu magacaabi jiray “Ku Klux Klan” baa ahayd koox
culayska ugu badan ay guud ahaan dadka madowga ah, gaar ahaan Malcom reerkoodu
kala kulmi jireen. Ku Klux Klan waxa ay ahayd koox qarsoodi ah oo laga aas
aasay koonfurta Maraykan 1866kii, taas oo u dhisnayd tirtirka iyo la
dagaalanka ololihii Jamhuuriga ee xuquuqsimidda madowga iyo caddaanka. Klan
waxa ay ahaayeen koox aad uga soo horjeedda in qof madoobi la xuquuq noqdo mid
caddaan ah.
May 4, 2015
Hooyada
Mar wal oo hooyo iyo abaalkeed la soo qaado sheeko aanan illaabin baa jirta. Xanuunkeeda awgeed, ma illaawo sheekadaas.
Timajare ayaan fadhiyey oo timaha ka jaranayey. Wiil aan da'diisa ku qiyaasay 16-18 jir baa kursiga igu xiga soo fadhiistay. Hooyadii baa la socota oo qof yara culus ah. Inankii ka xiirayey bay ku tidhi hooyo isugu wada sin timaha.
Jan 25, 2015
Ma Sagal?
1
“Naa kaalay qumayo yahay
kildhiga ii biyee” bay si naxariis daran ugu yeedhay. Sagal yeedhmada Cosob ma
ay dhibsan; wax caadi ah bay la noqotay. Lixda sanno ee ay la noolayd Cosob
ayaa noqon kara kuwii ugu xumaa nolosheeda. Lixda kale, mar ay garaad la’ayd
iyo mar ay sidan noloshu dhaantay bay ahayd.
Oct 16, 2014
'Ma nihin'
Iid
Saleebaan baannu marti u ahayn. Iid waa Akhyaar nagu qaali ah. Xafladdii meherkiisa
yaannu joognay. Guutaale Jaamac Kediye ayaa garabkayga fadhiyay.
Guutaale
muddo badan baannu asxaab ahayn. Dhaqankiisa badi xog-ogaal baan u ahay. Waa
nin aan uurkiisa wax ku qarsan Karin. Maalinta uu ku diido, wuu ku diiday oo
lama gabbado. Waa codkar gar wixii uu arko ku yeedha. Afar wiil baa ka waaweyn
oo, midina la dhaqan ma aha. Guutaale dad badan baa runta ku collaystay. Hadda
jaallihiisa ugu muddada dheer baan ahay goor annu kala didi ba.
Sep 18, 2014
"Xabbad sigaar ah"
‘Xabbad
Sigaar ah’ kolka la arko ba, xabbad sigaar ah baa la arki jiray. Aagga oo dhan
‘Xabbad Sigaar ah’ waa laga yaqaanay. Barigii dambe, ku dhawaaqisku markay
adkaatay, waxa lagu soo koobi jiray “Xabbadda”.
Sep 9, 2014
Diin ma aha wadaadku
Wadaad;
waa eray soomaali ah waana mansab cid aqoon diineed loo tirinayo la saaro. Waxa
la sheegaa in eraygu uu ka samaysanyahay laba eray oo isu tagay - wad iyo Aad.
Barigii hore qofku marka uu aad xanuusado ee wadkii in uu ku soo dhowyahay la
maleeyo ayaa loo dooni jiray qof diinta yaqaan. Qofkaas baa Quraan iyo Alle
bari la dul fadhiisan jiray. Qofkaas aqoonta diinta loo tirinayo baa la yidhi
Wadaad, kii xagga wadka aadi jiray.
Subscribe to:
Posts (Atom)
