Pages

Aug 18, 2022

Ma Hadraawi?

Sheekada caan baxday ee “Hooyooy La’aantaa” baan aniga oo arday dugsiga dhexe dhigta ah ugu horreyn ku maqlay magaca Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”. Sida taariikhiihii Giriigga, Mosabataamiya iyo Rooma ee qarniyo ka hor ama Juquraafigii wabiga Saambisi iyo buurta himilaaya ee dugsiga aannu ku dhigan jiran, ogaynna in aanaan waligayo arki doonin iigama duwanayn. Tabtaas oo kale ayuu Hadraawi ii ahaa nin qarniyo ka hor jiray waxa aannu dhigannaa bes taariikhdiisii yahay.

Jaamacadda Hargeysa, 2010kii bishii Feebarwari ayaa ay noqotay markii ugu horreysay ee aan Hadraawigii aan heesihiisa dugsiga hoose ku dhigtay si toos ah u arko. Farxad wayn bay ii ahayd in aan la kulmay, saa waliba sawirkan hoose xusuus ahaan ula galay. 
 Maxamed Ibrahin Warsame Hadrawi ivo Saddaam X Carab 
Waa sidii uu yidhi Siciid Jaamac Xuseen (AHUN), “Hadday jiraan malyuun qof oo Hadraawi yaqaan, waxaa hubaal ah in mid waliba sidiisa u yaqaan oo halkaas aad ugu tegaysid malyuun (Hadraawi).”
Waa Hadraawiga qarnigii tegay iyo kuwa iman doonaa suugaanta Soomaalida foolaadkooda la mid ahaan doona. Waa Abu Hadraha hal-abuuray suugaanta miidda ah ee hoggaanka u haysa curinta tixaha falsafadeed ee nolosha sida daallaley, dabahuwan iyo Sirta nolosha, marna waa kii hab dhaqanka suubban iyo dadnimada innagu hogatusayey Dhulgariir, Indhobadan, Awaal tiris, Saxarla iyo kuwo kale. Mar kalena waa kii ku xarragooday tixaha laamaha jacaylka sida Jacayl dhiig ma lagu qoray, Suleekha, Haatuf, Axaddii iyo Beledweyn mar kalena suugaanta halkanka iyo hal’adayga sida silsidahii Siinleey iyo Deelleey u calanka u siday.
Nolol macno leh buu noolaa Hadraawi, nolol dulmi diid iyo halgan, nolol aanu nidaam dawladeed ku milmin hal-abuurkiisana ugu loogin, waxa uu noolaa nolol uu macallin ahaa mar, mar kalena caroogga dulmanaha iyo ka taagta daran ahaa, marar badan si arag nololeed waday, wuxuu ahaa maansoyahan fidsan oo maayadaha nolosha aan ka cabsan ee la falgala oo ka faallooda. Nolol gobonnimo iyo Sharaf leh buu noolaa, oo waynu ku xasuusanaynaa sidii uu innoo yidhi:
“Kuwa ii hanweynow
Marka aad i hoysaan
Hogga ii bannaysaan
Waa in lay hogtaayoo
Hiil waxan ka geli jiray
Ama hoo ka tari jiray
Hadhow lay xusuusta”
Waxa aynu ugu ducaynaynaa sidii uu innoogaga codsaday:
“Qofka ii duceeyoow
Rabbigay ku derajee.”
Alle ayeynu u baryeynaa in uu u aqbalo isla ducada maansadiisii daryeel ee:
Rabbiyow hanagu darin
Inta aad ku digatee,
U dareerta Naartoo
Labadaada daraarood,
Rabbiyow ta door roon
Kuwa dagaya naga yeel, Amiin Allahayow.
Saddaam Xuseen Carab
18, Ogos 2022

Mar 30, 2020

Suureyso innaga iyo Korona Fayras

Indhaha isku qabo, ka dib suureyso Koroona Fayras oo aynu dhab ahaan is haleelno. Malayso, bes.
Korona Fayras halis uun kuma aha keliya nafaha bini'aadamka, waxa uu halis ku yahay jiritaanka dhismaha bulsho ama dawladeed, gaar ahaan dalalka nidaamkoodu ulaha boocda ah ku tukubo, sideenna.
Ka warran malaayinka qof Somaliland ku dhaqan oo la sheegay in dad xanuunkaasi soo ritay jiraan. Kuwo u dhintaan iyaga oo la arko, daryeel la siiyo daaye, aan la garaynayn si laga yeelo maydadkooda.

Nov 20, 2019

Xaajiyad aan ku laabay!

Waa Baankoog oo xuddun u ah Taylaan (Bangkok, Thailand). Baabuurta dadweynaha ee la raaco ayey ka mid yihiin baaburta xaajiyadaha (Pick up) oo la deday, kadibna kuraas loo yeelay. Haddii ay kuraastu kaa buuxsamaan, xagga dambe ayaad istaagi kartaa ama ku laabi kartaa!

May 16, 2019

Nebi Maxamed (NNKA) iyo Xaaji Cabdiwaraabe (AHUN)


Sooyaalka dahabka ah ee laga soo wariyey Nebi Maxamed nabadgelyo korkiisa ha ahaate waxyaalaha ugu xiiso badan ee aadk ii jeclaysiiya qofnimadii uu lahaa, waxa ka mid ah dhaqanka cafiska. Waxa la sheegay dagaalladii uu galay mid ka mid ah, markii laga soo noqday, Nebiga iyo saaxiibbadii ay hadhgaleen oo ka nasteen kulaylkii saxaraha. Geed hadhkii ayuu Nabigu (NNKA) jiibsaday, seeftiisina sudhay korkiisa.

Nov 19, 2018

Dhalashadii Iftiinka


Markii aad ifka timid, iftiin, hanuun iyo ilbaxnimo uumiyuhu u aayey ayaa aad la timid. Ka hor se Cabdillaahi waxa uu ahaa inan uu jecelyahay Cabdulmuddalib. Aamina Bint Wahab ayaa uu guursaday Cabdillaahi oo ay iscalmadeen. Nasiib darro se toddoba bilood guurkooda ka dib ayuu Cabdillaahi geeriyooday. Se ugxantii Cabdillaahi ayaa ku hakatay caloosha Aamina lana falgashay middeedii si noole uga abuurmo. Noolihii ugu dheeraadka iyo saamaynta badan ee dunida soo maray.

Nov 7, 2018

Doorashada Ilhaan Cumar

Dawladda Maraykanku aad bay guun u tahay iyo ilbax ba. Haddii aad si qoto dheer u eegto dhismayaasha haykalka dawladnimadoodu waa aqoon baaxad leh. Sarraynta sharciga, dhismaha hay'adaha, maamuuska, kala xadaynta hay'adaha dawliga ah iyo meel wal oo aad ka eegto dawladnimo.

May 23, 2018

Masiibooyinka duufaanta loo bixiyey Sagar


Shalay (22.5.2018.) Safar aanu ku tagnay deegaannada xeebta galbeed ee Somaliland waxaannu casar gaaban gaadhnay deegaanka Gargaara. Masiibadii duufaanta sabtidii ku dhufatay xeebuhu, waxa ay xanuujisay dadka deegaanka Gargaara. Lix iyo toban qof ayaa kaga dhigtay daadadkii duufaanta. Afar iyo toban ka mid ahi laba nin oo ilmaadeer ah iyo qoysaskoodii oo jees wada deggan bay ahaayeen. Qoys siddeed ah iyo mid lix ah oo aanu midi ka bixin. Wiilka warbaahintu waraysatay labada qoys midkood buu ahaa, isaga oo dugsiga ku maqan ayey madhashadu haleeshay qoyskiisa. Waa masiibooyinka ay reebtay duufaantu.

Apr 10, 2018

Faallo: Buugga Amiina Al Mufti


Siddeed saacadood oo laba habeen oo isku xiga ka mid ahaa baan akhriyey buugga Amiina Al Mufti ee uu qoray Fariid Falluuja, Afsoomaalina uu u rogay Kamaal A. Cali. Waa sheeko xiiso iyo amakaag wadata. Waa basaasadda carbeed ee Amiina Al Mufti ee u adeegaysay Mossad. Waa sheekada xidhiidhsan Urudun, Usteri, Israel, Lubnaan iyo Qubrus. Waa sheeko u eg masrixiyad ama filin la jilay oo malo-awaal ah.

Aug 17, 2017

Dalka iyo dadka qaarkii

Safar dheer oo deegaannada bariga Somaliland aan ku tegay  ka dib, wax weyn baa iiga soo baxay. Burco marka aad ka rogto Ceegaag, Widhwidh ilaa Buuhoodle iyo xadka iyo jiiddaas dhinac dheh; Caynabo iyo Oog hoos (Woqooyi) uga rog Barqomaal, Bankii Saraareed ilaa Huluul iyana dhinac dheh; dhulkaas baaxad ku siman 300 KM isku wareeg ah baan soo maray. Wax qofkii doonaa caadi u qaadan karo, ku kalena dhibi karta ayaan soo arkay.

Jun 13, 2017

Hoggaamintii Nebi Maxamed (NNKA) - Qaybta 3aad



Hoggaamiye: Dhalasho mise barasho

Arrinta xiisaha leh ee mawduuca hoggaaminta kolka laga warramayo laga doodo ayaa ah hoggaamintu ma u dhalashaa mise waa barasho? Waa dood baaxad leh oo aragtiyo kala geddisan laga qabo, dad ku dooda in hoggaamintu dhalasho tahay aqoontuna kabto, iyo kuwo kale oo ku tagsan in hoggaaminta la barto oo la dabbiqi karo. Koox saddexaad oo kale ayaa rumaysan in hoggaamintu labadaba geli karto.

Jun 4, 2017

Hoggaamintii Nebi Maxamed (NNKA)- Qaybta 2aad


Aragtiyaha iyo Jaadadka Hoggaaminta

Saddex baa madaxnimo (hoggaamin) kaa qaada, 1. Gar eexo, 2. Guddoon jilicsan iyo 3. Gacan gudhan – Maahmaah Soomaaliyeed. 
Inta aynaan faaqidin hoggaamintii nebi Maxamed NNKA, waa lagama maarmaan in aynu gogol xaadh uga dhigno aqoonta guud ee hoggaaminta iyo aragtiyaha ku xeeran. Qaybtan waxa aynu dul istaageynaa hoggaamiyaha iyo qeexitaannadiisa, hoggaamintu ma dhalashaa mise waa barasho iyo aragtiyaha hoggaaminta iyo hoggaamiyaha ee marxalado door ah.

May 31, 2017

Hoggaamintii Nebi Maxamed (NNKA) - Qaybta 1aad.

Hordhac
Macallin, dhakhtar, madax, arday, shaqaale iyo waalid dhammaanteen masuuliyad baa inna saaran. Masuuliyad walba oo qof kasta saaran waxa ay u baahantahay in aqoon hoggaamineed, haba yaraatee lagu guto, taas awgeed baynu dhammaan baahi u qabnaa barashadeeda.
Dadka Muslimiinta ah iyo kuwo aan ahayn, Carabi, Ingiriisi iyo afaf kale oo tiro badan ba waxa ay ku qoreen sooyaalkii hoggaamineed ee nebi Maxamed (NNKA).

Sep 27, 2016

Maamul daadejinta iyo dawladaha hoose

Hordhac

Si kooban maamul daadejintu waa awood siinta maamul  ee dawladda dhexe u daadejiso dawladaha hoose ee degmooyinka. Si kale waa igmashada maamullada degmooyinka ee u dhow bulshada si dawladda dhexe uga jawaabto baahiyaha bulshada ee rasmiga ah.
Sida dalalka horumaray, adeegyada aasaasiga ah ee muwaadinka sida, biyo, waxbarasho, caafimaad iwm. ah ee dawladdu u qabato shacabkeeda, dawladaha hoose ee degmooyinka iyo xaafadaha ayaa fuliya oo maamula. Waayo, dawladaha hoose iyaga ayaa dawladda dhexe uga dhow bulshadana ugana dhuun dalool shacabka. Maamuldaadejintu waa qaab hoos ka bilow ah oo dadku ay ku dhisi karaan dawladnimo iyaga u adeegta oo baahiyahooda asaasiga ah daboosha.

Apr 18, 2016

"Ha tahriibin" Xal ma aha

Boqollaal dhallinyar ah bay baddu liqday shalay! Waa masiibo wayn, wayn oo aad u wayn. Intaas oo dhallinyaro ah iyo kumannaankii ka horreeyay, gaajo ma ay saarin, shaqo la'aani may eryan, ee rejo la'aan baa dabada ka kaxaysay. Rejo la'aan bay halaaggaa ugu badheedheen.

Feb 26, 2016

Talo: Bilicdana u dan ah, bulshada u dan ah

Hordhac

Waa dhaqan aynu qaayibnay, in muddo kolkii la joogo ba la dumiyo dhismeyaasha cooshadaha meheradaha ah ee sharci darrada ku deggan hareeraha jidadka waaweyn ee magaalooyinka. Cagafta arxanka daran ee xaaqda buulasha iyo jiingadaha foosha xun, danyarta iyo dawladda hoose midna dan uma aha sababahan awgood:

Feb 17, 2016

Haddii aad rabto isbeddel

Isbeddel la maqalyaa, dhallinyar la sheeg bay u badantahay, ma se aha rogaalka taas; dhallinyar la aragyaa isbeddel la sheeg, inta badan. Bulsho ahaan aad baa looga hadlaa, loogu noqnoqdaa oo carrabka loogu adkeeyaa in aynu isbeddel u baahannahay – mid laga soo durduriyo kobtan tu ka cagaaran- dhallinyaraduna tahay albaabka laga gelayo, ama cidda gelaysa albaabkaas. Waa se goorma iyo sidee?

Dec 18, 2015

Gorfayn: Sheekada “Filashadii Wacnayd”

Dhawaan baan fursad u helay in aan akhriyo sheeko faneed gaaban oo uu qoray Ibraahim Yuusuf oo ku magac dheer “Hawd”. “Filashadii Wacnayd” buu ahaa magaca sheekada aan akhriyey.  Waa sheeko u dhacaysa hab laga tebinayo cid ama qaabka loo yaqaan qofka saddexaad “Third Person”.

Oct 13, 2015

Bilawgii Hijrada­­­

 Kun afarboqol  toddoba iyo soddon (1437) sanadood baa laga joogaa dharaartii Sayidka Ilma Aadam baxsad iyo dhuumasho kaga baxay Maka. Tolkii ayaa baadidoon dil iyo nacayb ah ugu raad joogay, waxayna ku heshiiyeen in ay qudha ka jaraan. Wiilal hubaysan oo reer Maka ah baa gaadh ka qabtay gurigiisa.

Sep 10, 2015

Saddex Cisho

Nin oday ah oo aan galab dhawayd la sheekaystay baa aad iiga fekersiiyey. Dhowr dhacdo oo yaab leh buu iiga sheekeeyay. Duni dhan oo madaxeedu mijo u rogmayaan buu arkay, u soo taagnaa oo la joogay. Saddex cisho iyo saddex dhacdo oo laba dareen kala leh buu iiga warramay.